Isxaaq Mwaura oo ah afhayeenka dowladda Kenya, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay kaga warbixiyay burburka dhaqaale ee uu horseeday banaanbaxa ka dhanka ah dowladdiisa ee ay dadka Kenyaanka ah ku diiddanyihiin kordhinta canshuuraha.
Afhayeenka xukuumadda Nairobi, ayaa sheegay in balaayiin lacagta shilika Kenya ah uu qarankiisa qasaaray tan iyo markii ay billowdeen dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ee ay wadaan kacdoon wadeyaashu.
Mwaura ayaa sheegay in dalkiisa uu lumiyay inka badan 6 bilyan oo lacagta shilinka ah ee laga isticmaalo dalkaasi, khasaarahan ayuu afhayeenka dowladda uu madaxa ka yahay William Ruto sheegay inuu ka dhashay foolkaanooyinka mudaaharaadyada ee dalkaasi uu marti gelinayay tan iyo bishii lasoo dhaafay.
Wuxuu sheegay in dalka uu balaayiinta lacagta ah ku lumiyay xiritaanka ganacsiga inta lagu guda jiro dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo soconaya tan iyo 18-kii Juun ee sannadkan.
Mwaura, ayaa intii uu hadal jeedinta shirkiisa jaraa’id ku jiray sheegay in xarumo ganacsi oo dhowr ah sidoo kale la bililiqaystay intii ay dibadbaxyadu socdeen, hanti fara badanna ay burburiyeen kooxo uu sheegay inay kusoo dhex dhuunteen dadka isku soo baxyada dhigaya.
Afhayeenka dowladda Kenya, ayaa dhanka kale sheegay in dhaqaalaha dalka uu sii xumaan doono haddii ay mudaaharaadyadu sii socdaan, isagoo dibadbaxayaasha u jeediyay inay joojiyaan isku soo baxyada si ay uga soo kabtaan dhaqaale burburka.
“Cabsida badan ayaa jirta, taasi oo ah in haddii mudaaharaadyadu ay sii socdaan ay dhaqaalaha sidoo kale saameyn xun ku yeelan doonto” ayuu yiri Mwaura.
Wuxuu sheegay in William Ruto iyo dhamaan xubnaha ugu sarreeya dowladda ay soo gaareen dhawaqa dibadbaxayaasha, diyaar na u yihiin inay wax ka qabtaan cabashada dadka Kenyaanka ah.