Dowaladda kaafiradda ah ee Kenya ayaa qiratay in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen ilaa shan masuul oo ka tirsan nidaamkeeda.
Saacadihii lasoo dhaafay howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaanka Harazuki oo ah deegaan u dhaxeeya degmada Ceel-qaalow iyo magaalada Wargaduude ee gobalka Mandheera waxey nolasha kusoo wadeen 5 mas’uul oo ka tirsan maamulka Riddada ah ee Kenya ugu magacaaban gobalka Mandheera.
Taliyaha ciidanka booliska degmada Harazuki ee koonfurta gobolka Mandheera Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay arinkan iyo in mujaahidiintu ay gacanta kusoo dhigeen raggan u shaqeynayey dowladda Kenya.
Wuxuu sidoo kale Julius Njeru sheegay in masuuliyiinta maamulkaasi ay kasoo ambabaxeen deegaanka Ceel-gaduud iyagoona kusii sii jeeday dhanka magaalada Ceelwaaq.
Sarkaalkan ayaan bixin faahfaahin intaas ka baxasan, waxaana saacadaha soo aaddan suuragal ah in warbaahinta ay kasoo hadlaan masuuliyiin kale oo qiraya arinkan.