Howlgal gaar ah oo caawa fiidkii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ka fuliyen xaafada siisii ee degmada dayniile ee magaaladan muqdisho waxey ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa wasaarada gaashaandhiga dowlada federaalka.
Kabtan xasan faarax oo ah sarkaalka la dilay waxa uu ka tirsanaa hogaanka sare ee sahanka iyo sirdoonka wazaarada gaashaandhiga ridada, Isagoona si gaar ah u ahaa madaxa qeybta baarista ee wasaarada gaashaandhiga.
Kabtan Xasan faarix ayaa sidoo kale waqti xaadirkaan ahaa kusimaha madaxa sahanka iyo sirdoonka wasaarada waana sarkaal muddo dheer ay baadi goobayeen Shabaabul Mujaahidiin.
Sarkaalkan Mujaahidiintu ku dileen degmada dayniile waxey sidoo kale ka furteen biskoolad uu ku hubeysnaa, Waxa uuna ahaa murtad caan ku ahaa dhibaateynta dadka muslimiinta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.