Maleeshiyaadka mucaaradka hubeysan ee Axmaarada Fano oo dagaal adag kula jira millatariga dowladda xabashida, ayaa howlgeliyay ciidamo cusub, furin dagaal oo kalena ku furay maamulka uu hoggaamiyo Abiy Axmed.
Jabhaddan Fano lagu magacaabo ayaa maleeshiyo cusub oo magaceeda wata ka howlgelisay deegaanno dhaca koonfurta Itoobiya, sida ay soo wariyeen ilo wareedyo deegaanka ah oo u warmay warbaahinta maxalliga ah.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in jabhadda cusub ee Fano ka howlgelisay koonfurta dalka Itoobiya ay durba billowday dagaallo ka dhan ah ciidanka dowladda ee ku sugan koonfurta.
Waxay sidoo kale jabhaddan howlgalladeeda ka billowday koonfur-galbeed ee Itoobiya, waxaana fariin bogaadin ah maleeshiyadan cusub ee Faano raacsan usoo diray fallaagada Axmaarada ee ka howlgala ismaamulka Amhara.
Tani waxay ka dhigan tahay in markii ugu horraysay ay furin cusub Jabhadda Fano dhanka deegaannada koonfureed kaga furtay dowlada xabashida ee uu ra’iisul wasaaraha u yahay Abiy, waxaana durba maleeshiyadan safkooda ku biiray maleeshiyaad kale oo kasoo horjeeda xukuumadda fadhigeedu yahay Addis-ababa.
Aas-aasidda garabkan cusub ee jabhadda Fano ee koonfurta Itoobiya ayay u sababeeyeen madaxda jabhaddaasi ugaarsiga gaarka ah oo lagu hayo dadka qowmiyaddaasi kasoo jeedo, waxay sidoo kale tani u muuqan kartaa mid sii kordhin karta beegsiga ay isku hayaan qowmiyadaha Itoobiya oo ah kuwa aan isku diin iyo isku dhaqan ahayn.