Saacadihii lasoo dhaafay iska hor’imaadyo culus oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan millatariga dowladda Sudan iyo fallaagada RSF ayaa ka dhacay gudaha magaalada Khartum ee caasimadda waddankaasi.
Ciidamada General Cabdil-fataax Al-burhaan oo isku dayaya inay gacanta ku dhigaan magaalo madaxda wadankaasi ayaa isku fidiyay xaafado dhowr ah, waxay ciidanku soo bandhigeen muuqaallo muujinaya ciidanka oo ku sugan warshado muhiim ah oo kuyaal waddada Al-ghaaba oo ah mid istaraatiiji ah.
Sargaal ka tirsan millatariga oo waraysi bixiyay ayaa xaqiijiyay in ciidankiisu la wareegeen guud ahaan aagga Warshadaha, isaga oo dhanka kalena goodis adag u diray maleeshiyada gurmadka deg degga ee Imaaraadku taageero.
Ciidanka millatariga Suudaan ayaa sidoo kale ku dedaalayaa sidii uu gacanta dib ugu soo celin lahaa suuqa Carabta ee bartamaha Khartum, halkaas oo ay ku yaalaan madaxtooyada Suduaan iyo xarumaha kale ee dowladda.
Dhanka kale, ciidanka millatariga xukuumadda fadhigeedu yahay Port Sudan waxay shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqeen inay si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Abu Qutah oo ku taal waqooyi galbeed gobolka Jaziira, oo xuduud la leh gobollada Khartum iyo Niilka Cad.