Mudaharaad ballaaran oo bilawday shalay casarkii, socdayna ilaa fiidkii xalay ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacadda Hargeysa.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in bannaan-baxan oo qaatay muddo saacado ah ay dhigeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Hargeysa oo ka gadooday lacago dheeraad ah oo dhawaan uu kusoo rogay maamulka Jaamacaddu.
Maamulka riddada Somaliland ayaa boolis fara badan ku daad-gureeyey nawaaxiga Jaamacadda, kuwaas oo rasaas nool-nool kala hor-tagay ardaydan cabashada ka ahayd lacagaha lagu kordhiyey. Waxaana halkaasi ka dhacay iska-hor-imaad xooggan.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqanaya booliska oo si arxan-darro ah rasaas ugu furaya arday fara badan oo dhooban gudaha iyo bannaanka jaamacadda.
Sidoo kale waxaa muuqaalladaasi lagu arkaayay arday ku xoonsan agagaarka Jaamacadda oo dhagaxaan kala hor-tagay booliska riddada Somaliland oo rabay inay xoog ku kala dareeriyaan eryaan dibax-baxayaasha.
Muddadii uu socday kacdoonka ardaydu waxaa gabi ahaanba joogsaday oo xirmay isu-socodka gaadiidkii isticmaalayay waddooyinka mara nawaaxiga Jaamacadda Hargeysa.
Maamulka Jaamacadda iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda riddada Somaliland oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin lacago la kordhiyey, waxaanay u goodiyeen ardaydii cabanaysay oo ay ku tilmaameen dad cadow ah.
Warkaasi kasoo yeeray maamulka riddada Somaliland, kadib waxaa baraha bulshada si weyn u qabsaday oo loogu faafiyey warqad uu soo saaray maamulka Jaamacaddu Jan/2025 oo muujinaysa lacagaha lagu kordhiyey ardayda.
Walaac xooggan ayay ardaydu ka muujisey lacagahan dheeraadka ah ee uu kusoo rogay maamulka riddada Somaliland, waxaanay sheegeen in tallaabadani ay caqabad ku tahay fursadahooda waxbarasho, gaar ahaan ardayda kasoo jeedda qoysaska danyarta ah ee markii horeba la il-darnaa bixinta kharashaadka faraha badan ee Jaamacadda.
Kacdoonka ardayda ayaa geesta kalena kusoo aadaya xilli ay sii adkaaneyso duruufaha dhaqaalle ee baahsan ee ka jirta magaallada Hargeysa gaar ahaan iyo guud ahaan dhulka uu ka arrimiyo maamulka riddada Somaliland.
Jaamacadda Hargeysa waxay hoos-tagtaa oo gacanta ku haya maamulka riddada Somaliland oo maalmo ka hor ay ahayd markii lacago kale oo baad ah uu kusoo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha, iyo Bangiyada ee ka howl-gala deggaannadaasi.