Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa galabta waxay ka dhaceen duleedka deegaanka Beerayabaal ee wilaayada Hiiraan, halkaas oo halaag daran loogu gaystay maleeshiyo murtadiin ah.
Dagaallada ayaa ahaa kuwa aad u culus oo in ka badan 7 jeer lagu jabiyey maleeshiyaadka Riddada, waxaana inta la xaqiijiyay Allaah fadligiis lagu dilay 20 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 60 kale, waxayna dagaalladan ku biirayaan weeraro saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay duleedyada degmada Buulo-burte, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 70 murtadiin ah oo isugu jira saraakiil iyo askar.
Idaacadda islaamiga Al-andalus waxay heshay magacyada qaar ka mid ah murtadiinta lagu dilay dagaallada maanta ka dhacay duleedka deegaanka Beera-yabaal, waxaana kamid ah, Maslax C/laahi Geeseey, Cabdi weli Camey, Muuse Xasan Owbakar, Nuur Axmed Sharawe iyo Jaamac Suldheere.
Sidoo kale magacyada qaar ka mid ah murtadiintii dagaalka lagu dhaawacay waxaa kamid ah, Cabdi Buuxsade oo ah sarkaal Abaanduule Nabadsugid ah, Xuseen Guure Cawaale, Maxamad Xasan iyo Jeelle Cabdulle.