Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo si wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta oo maanta ka dhacay deegaanka Beera-yabaal ee duleedka degmada Buulo-burte ee bariga wilaayada islaamiga ee Hiiraan, halkaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen inka badan 80 murtadiin ah oo isugu jira saraakiil iyo askar.
Dhimashada murtadiinta ee dagaalladan waxay gaartay 37 askari oo murtadiin ah, halka dhaawacana uu marayo 45 kale, waxaana sidoo kale dagaalladii maanta ka dhacay deegaanka Beera-yabaal ay ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis ku gubeen gaari Noha ah oo murtadiintu lahaayeen.
Idaacadda islaamiga Andalus ayaa heshay magacyada qaar ka mid ah murtadiintii lagu dilay dagaallada, kuwaas oo kala ahaa, Muumin Faradheere, Cabdullaahi Xuseen Geedi, Jeceelow Cismaan Xasanow, Maxamad Cali Xaamud, Baryare Axmad Gobsuge [Sarkaal], Maxamad Cabdullaahi Shiilow, Muxuyadiin Cabdullaahi, Maxamad Abuukar Hagar, Maxamad Salaad Taangi, Cabdullaahi Bishaar Dhaqtar, 11-Maxamad Nuur Maalin- Horjooge macawiisley ah.
Qaar ka mid ah magacyada askartii lagu dhaawacay dagaalladii maanta dhacay waxaa ka mid ah: Cumar Cali Farey, Ciise Yuusuf Maxamad Jabiil, Abuukar Maxamad, Dhaladheer- oo ah Sarkaal Taliye Urur ah, Cabdullaahi Xassan oo ah sarkaal iyo Cismaan Geedi oo ah sarkaal ciidan, horayna usoo noqday duqii magaalada iyo taliyaha Amniga ee magaalada Buulo-burte.