Inta la hubiyay ugu yaraan 65 qof ayaa dhintay, halka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii maleeshiyada fallaagada gurmadka deg degga ah ay duqeyn wuxuushnimo ah ka gaysteen goobo kuyaal mandiqadda Karari ee dhacda waqooyiga magaalada Umu-durmaan.
Ilo wareedyo ka tirsan maamulka Khartum ayaa soo sheegay in duqeyntu ka dhacday goobo gaadiidku ku kala wareegaan oo ku taal xaafadda 17, halkaas oo madaafiic ku garaaceen Dacmu-sariic gaari Bus ah oo dadweyne, taasi oo sababtay dhimashada 22 qof.
Sida lasoo wariyay 22-ka qof ee gaariga Buska lagu duqeeyay ayaa jirkoodii goo go’ay, waxay sidoo kale maleeshiyadan duqayntoodu saameyn xooggan ku yeelatay suuqyo iyo xaafado kale.
Muuqaallo argagax leh oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay nin dhaawacan oo gaarigiisa ag yaal, kuna dhawaaqaya: “Annaga ayaa nalagu duqeeyay agagaarka xaafadda 17, madfac ayaa ku dhacay gaariga.”.
Maamulka Khartum ayaa war uu soo saaray ku yiri “maleeshiyada gurmadka degdegga ah ayaa maanta geystay xasuuq bini’aadanimo oo weyn, waxayna madaafiic ku garaacay dadka shacabka ee ku sugan Karrari, halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 65 qof iyo boqolaal dhaawac ah, kuwaasoo cisbitaallada buuxiyay.”
Fatax Al-raxman Maxamed Al-Amin, oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Suudaan u qaabilsan Khartum, ayaa sheegay in isbitaalladu weli qaabilayaan dhimashada iyo dhaawacyada, bahda caafimaadkana ku howlanyihiin maareynta dhaawacyada.