Ugu yaraan 25 qof oo Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay intaas in ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib shil gaari oo ka dhacay magaalada Kurba, oo kutaal waqooyiga Wollo ee ka tirsan Ismaaamulka Amaxaarada ee dalka itoobiya. sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Gobolka shilku ka dhacay iyo Dhaqaatiirta degaanka oo la hadlay warbaahinta.
Shilkan oo dhacay shalay galinkii hore ayaa sarkaal lagu magacaabo Getaajuu Araage, oo ah afhayeenka poliiska magaalada shilku ka dhacay, uu warbaahinta u xaqiijiyay in shilka ay ku dhinteen 25 qof halka sodomeeyo kalana ay ku dhawacmeen kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar.
Shil gaari oo nocaan oo kale ah ayaa isla shalay lagasoo sheegaya inuu ka dhacay degaan dhaca waqooyiga gobolka Shawa, kaas oo sida ay tibaaxayaan warbixinadii ugu horeeyay ee warbaahintu ka soo tabisay in dhowr qof ay ku dhinteen.
Shilalkan baabuurta iska soo daba noqnoqday ayaa qeyb ka ah shilal waaween oo dhawaanahanba ka dhacayay deegaannada buuraleeyda ah ee gobolka amxaarada iyadoo dhowr isbuuc ka hor sidan oo kale shil weyn ay ku dhinteen 71 qof uu ka dhacay degmada Bona, oo ku taalla Bariga gobolka Sidama, ee koonfurta magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya.