Ciidamada maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa markale maanta xasuuq cusub u gaystay dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta, kaasi oo lagu tilmaamay in uu ka mid yahay xasuuqyada ugu daran ee maalmahan dambe marinka Gaza ka gaysanayo gumeysiga Yahuudda.
Duqaynta oo ahayd mid xoogan ayaa beegsatay dad Falastiiniyiin ah oo barakac ku ahaa madaraso kutaal bartamaha Gaza, waxaana ku shahiiday in ka badan 100 qof oo falastiiniyiin ah.
Ciidamada gumeystuhu waxay si bareer ah u beegsadeen dadkan rayidka ah waliba iyaga oo u taagan salaadda Fajarka, kuna tukanayeen dugsiga Al-Taabiciin ee dhaca xaafadda Al-Daraj ee bartamaha Gaza.
Xafiiska warfaafinta ee marinka Qaza ayaa warbixin uu soo saaray ku yiri “Ciidanka guumeysiga Yahuuddu waxay xasuuq cusub ka geysteen gudaha dugsiga Al-Tabiciin ee magaalada Gaza, waxayna dileen in ka badan 100 qof oo Falastiiniyiinta, halka kuwa kalena dhaawaceen”.
Xafiiska ayaa intaas ku daray in duqeyntaasi ay muujinaysay dembiga xasuuqa ah iyo isir sifeynta ee Yahuuddu ku hayso dadka Falastiiniyiinta ee ku dhaqan marinka Gaza.
“Argagaxa xasuuqa ka dhashay iyo tirada badan ee dadka shuhadada ah aawadeed, kooxaha caafimaadka ee difaaca madaniga, iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ma awoodaan in ay soo saaraan dhammaan shuhadada,”. Ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray xafiiska warfaafinta ee Gaza.
Waxaa xusid mudan in ciidamada gumeystaha Yahuuda ay si gaar ah u beegsadaan goobaha dadku ku badanyihiin sida xeryaha barakacayaasha, xarumaha iskuullada, xarumaha caafimaadka iyo sidoo kale masaajidda, waxay goobahaasi u beegsadaan ayaana ah si uu u kordho khasaaraha ka dhasha duqaymaha bahalnimo ee ay gaystaan.