Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya iska hor’imaadyo xoogan oo ka socda soohdinta u dhaxaysa dalalka Itoobiya iyo Kenya, halkaas oo ay ku dhinteen inka badan 10 xubnood.
Wargayska Addis-Standard ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay Siyes iyo Sirmeret oo ah tuulooyin hoostaga degmada Dasenech ee dhacda gobolka ku yaal xuduudka Itoobiya iyo Kenya, halkaas na lagu dilay ugu yaraan 13 qof, halka kuwa Kalena lagu dhaawacay.
Goobjoogeyaal la hadlay wargayskan fadhigiisu tahay Itoobiya, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyo fadhigoodu yahay gobolka Turkana ee ka tirsan dalka Kenya, halka wargayska laga leeyahay Kenya uu sheegay in weerarku fuliyeen maleeshiyo Itoobiyaan ah.
Wargayska The Standard ee laga leeyahay waddanka Kenya ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen colaadda ka taagan xuduudda u dhaxeysa labadaasi dal, wuxuu si gaar ah wargaysku u xusay in weerarka khasaaraha dhaliyay ay ka dambeeyeen maleeshiyo kasoo duullaan tagay deegaan lagu magacaabo Merille oo ka tirsan dalka Itoobiya.
Barakac xooggan ayaa ka dhashay iska hor’imaadyada ka socda soohdinta u dhaxaysa labada dal, 23-kii February 2025 ayay dagaalladu soo billowdeen sida ay soo tabiyeen goobjoogeyaal ku sugan mandiqadda, dagaallada labada dhinac waxaa barbar socdo bililiqo ay gaysanayaan dadka is dilaya ee kasoo kala jeeda Kenya iyo Itoobiya.
Dadka deegaanka ayaa hurinta colaadda ku eedeynaya dowladaha Kenya iyo Itoobiya, xalka colaadaha u dhaxeeya dadka rayidka ah ayay sheegeen inay markii hore xillin jireen odayaal degaanka ah, balse hadda ay soo fara geliyeen hayadaha dowladda.