Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka wajeer oo ka tirsan dhulka NFD ee kenya xooga kaga heysato Soomaaliya.
Kolanyo saliibiyiinta kenya ah oo sahay sida kana baxay deegaanka Weel-caday ee gobalka Wajeer kuna sii jeeda oo sahayda u siday xerada saliibiyiinta kenya ee deegaanka Girileey ee hoostaga degmada ceelwaaq ee gobalka Gedo ayey Shabaabul Mujaahidiin qarax xoogan la beegsadeen.
Qaraxa oo haleelay gaari mutabiish ah ayaa si gaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Weel-caday ee gobalka Wajeer gaarigiina gabi ahaan waa uu burburay.
11 askari oo saliibiyiinta kenya ah ayaa qaraxa ku baqtiyay waxaana ku dhaawacmay 8 askari oo isla kenyaatiga ah.
Labo maalin ka hor ayey aheed markii ciidamada Mujaahidiintu howlgal ay ka fuliyeen isla deegaanka Weel-caday ay ku dhaawaceen Labo askari oo kenyaati ah.
Calamada.com