Imaarada Islaamiga Afghanistan waxey markii ugu horeysay fulisay weerar loo adeegsaday diyaaradaha duuliye la aanta ah kaasi oo ka dhacay waqooyga dalka Afghanistan.
Diyaaradaha Dronis-ka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar duqeyn ah la beegsaday xarun uu shir uga socday saraakiil sar sare oo ka tirsan taliska ciidanka xukuumada Kaabul.
Xarunta ay duqeeyeen diyaaradaha droniska imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku taala degmada Jarbulak oo ka tirsan wilaayada Balkhi ee Waqooyga dalka Afghanistan.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada Islaamiga Afghanistan ayey ku xaqiijisay in weerarka ay u adeegsatay diyaarada droniska ah ay ku dileen Toban isugu jirta saraakiil iyo askar ka tirsan maamulka Kaabul.
Waxaa saraakiisha lagu dilay weerarka duqeynta ah ee ay fulisay droniska Imaarada Islaamiga Afghanistan ka mid ah sarkaal sare oo darajadiisu aheed gaashaanlle laguna magacaabi jiray Nasrat Allah Yameen Andrabi kaasi oo ahaa taliyihii Katiibada saddex-aad ee taabacsan Liwaa’a 3-aad ee ciidanka xukuumada Ridada Kaabul.
Mujaahidiinta Dhaalibaan waxey muddooyinkii dambe ku tilaabsadeen hormar ballaaran oo dhanka caskariga ah, Iyadoona kumanaan ruux oo ay kasoo qalin jabiyeen Mucaskaraatka Imaarada ee ka furan gudaha dalka Afghanistan, Waxeyna kumanaankaas soo buuxiyeen safka ciidanka Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com