Taliyihii maleeshiyada Riddada ee dhowaan xilka laga xayuubiyay, murtad Muxiyadiin Ibraahim ayaa sheegay in maleeshiyadiisu ku daaleen dagaalka aan kooda ahayn ee ay kula jiraan shareecada islaamka.
Murtadkan oo hadal ka jeedinayay xaflad ay xilalka ku wareejinayeen saraakiil xil ka xayuubin lagu sameeyay oo ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidanka Shabaabul Mujaahidiin uu yahay mid ay ku jiha wareereen, oo ka daran dagaal dowlad lala galo.
“Dagaalka ciidamadeenu ku jiraan dagaal dawlado waa ka dhib badan yahay, dagaal jabhadeed waaye, nin kaa maqan kulana jooga, aduu si aad ula dirirto way adag tahay.” Waxaa sidaas yiri Muxiyadiin Ibraahim oo ahaa taliyaha guud ee ciidanka Riddada ee xilka laga qaaday.
Murtadkan ayaa intii uu ku magacownaa taliyaha ciidanka murtadiinta waxaa dhacay dagaallo waawayn oo lagu dabar jaray maleeshiyaadka murtadiinta, waxaana ugu waynaa duullaankii Cowsweyne ee Allaah fadligiis lagu dilay inka badan 200 oo askar murtadiin ah.