Dagaal culus oo dhaliyay khasaare kala duwan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay saldhig ciidan oo maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta ay kaga sugnaayeen deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.
Ciidamo ka tirsan shabaabul Mujaahidiin ayaa weerarkan ku qaaday saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Baarsanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Iska hor’imaad xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada Mujaahidiinta xaq u dirirka ah iyo maleeshiyaadka murtadiinta ayaa ka dhacay gudaha saldhigga waxaana lasoo wariyay khasaare kala duwan oo murtadiinta ku gaaray dagaalka.
Ilo masuul ah ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Galaas kaas oo markii hore dhaawac ku noqday weerarka.
Dagaalkan ayaa kusoo beegamaya wakhti saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada Mujaahidiintu siyaabo kala duwan u hujuumeen saldhigyada ciidanka kuffaarta iyo murtadiinta Dhuusa-mareeb, Jannaale, Afmadow iyo Cabdalla biroole oo ka kala tirsan wilaayaadka Galgaduud, shabeellaha hoose iyo Jubbooyinka.
Calamada.com