Ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Mudug, waxay howlgal qarax ah la beegsadeen gaari Cabibile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Ridada oo ku sugnaa gudaha magaalada Xarardheere, waxaana qaraxaasi inta la xaqiijiyay lagu dilay saddex askari oo murtadiin ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Andalus u xaqiijiyay in xilliga uu qaraxaasi dhacayey uu magaalada Xarardheere ku sugnaa madaxa kooxda Riddada Soomaliyaa murtad, Xasan Gurguurte, waana qayb ka mid ah howlgallada ciidan ee ay mujaahidiintu ka wadaan Mudug.
Dhanka kale, howlgal ciidamada mujaahidiintu maanta ka fuliyeen xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Booliska murtadiinta, waxaama askarta la dilay ka mid ahaa murtad lagu kala magacaabi jiray “Raambow” iyo “Xusseen” mujaahidiinta ayaana askarta la dilay ka qaatay oo ka qaniimeystay qori uu sitay.