Howlgalkii Inghimaasiga ee ciidamada mujaahidiintu ku qaadeen dhismaha hotel Beach View ee ku yaal xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa soo gabagaboobay, waxaana soo baxaya faahfaahin ku aaddan howlgalkaasi.
Howlgalkan barakaysan oo qaatay ku dhaawaad 6 saacadood oo xiriir ah, ayaa Allaah fadligiis lagu dilay sidoo kalena lagu dhaawacay saraakiil iyo askar, waxaana saraakiisha lagu dilay howlgalkaasi ee aan magacyadooda helnay ka mid ah murtad lagu magacaabi jiray Cali Mahdi Nuur, kaasi oo ka mid ahaa saraakiisha Wazaaradda Arrimaha Dibadda ee kooxda Riddada Soomaliya.
Inkastoo uusan jirin tirakoob rasmi ah, haddana askar iyo saraakiil dhowr ah ayay mujaahidiintu dileen intii uu howlgalku socday, saraakiil kalena waa la dhaawacay, waxaa ka mid ah saraakiisha Riddada ee howlgalkan lagu dhaawacay ee aan magacyadooda helnay taliye ku xigeenka hayadda ashahaada la dirirka Riddada ee NISA ugu magacaaban gobolka Banaadir murtadka la oran jiray Ibraahim Sheekhaal.
Dhismaha ciidamada Inghimaasiyiinta mujaahidiintu gudaha u galeen ayaa ah mid aad loo ilaaliyo dhinac saaranna xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waa hoy ay ku caweeyaan madax&saraakiil murtadiin ah.