
Howlgal qorsheysan oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ayaa lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaas oo ku sugnaa halka loo yaqaano Ceel-shaalle oo ku dhow xaafadda Daaru-salaam.
Weerarkan waxaa Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiinta ay ku dileen ugu yaraan saddex askari oo murtadiin ah, halka nolasha lagu soo qabtay askari kale, kaasi oo hadda gacanta mujaahidiinta ku jira, laba gaari iyo qori AK47 ah iyo mid PKM ah ayay sidoo kale mujaahidiintu kusoo furteen weerarkaasi.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu waxey maanta howlgal qarax ah la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada kuffaarta Yugaandha, kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa deegaammada No/60 iyo Buufow.
Qaraxa ayaa si gaar ah u haleelay oo burburiyay baabuur nooca Tawga ah, waxaana Allah fadligiis goobta ku halaagsamay askartii saliibiyiinta ahayd ee gaarigaasi la socotay.