Howlgal gaar ah oo ciidamada katiibada Maxamed Ibnu Maslamah ay ka fuliyeen degmada Buurhakaba ee wilaayada Bay iyo Bakool waxay ku dileen askari ka tirsanaa maleeshiyaadka dowladda Ridada federaalka.
Howlgalka oo ahaa mid si tayaysan loo dajiyay waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ku khaarajiyeen Cali Keer oo ka tirsanaa maleeshiyaadka maamulka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Koonfur galbeed.
Cali Keer waxa uu caan ku ahaa dhibaataynta dadka rayidka ah ee ku dhaqan Buurhakaba, balse gacanta Mujaahidiinta ayuu Allaah sabab uga dhigay in shartiisa umadda looga hor leexiyo.
Dilka askarigan ka dib waxaa goobta soo gaaray maleeshiyaad ka tirsan maamulka Ridada Koonfur galbeed kuwaas oo sida caadad u ahayd ba goobta ka qaaday maydka saaxiibkooda.
Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin gaar ahaan kuwooda ka howlgala magaalooyinka ay xoogga ku haystaan shisheeyaha waxay maalmihii dambe sii kordhiyeen howlgalladooda jihaadiga ah ee ay ku beegsanayaan madaxda iyo maleeshiyaadka dowlada Ridada, howlgalkan ayaana ku biiraya silsilado iqtiyaalaad ah oo siyaabo kala duwan madaxyada looga guray askar iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ridada federaalka.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com