Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh/Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab, ayaa jeediyay kalimad xasaasi ah oo ka hadleysa xaaladda guud ee dalka gaar ahaan abaaraha iyo khilaafaadka ka dhex taagan madaxda ugu sarreysa Dowladda federaalka ah.
Ugu horreyn Sh/Cali Dheere ayaa dulmar guud ku sameeyay noocyada uu ka kooban yahay duullaanada ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen gayiga Soomaaliya isagoo xusay ineysan jirin wax ay shisheeyuhu u reebteen ummadda Soomaaliyeed, haddaanan lala dgaaalami lahaynna ay ummadda adoonsan lahaayeen.
Wuxuu sheegay in dhankooda ay si dardar leh ku wadaan halganka lagula jiro soo duulayaasha xaalkuna marayo meel wanaagsan: ” Mujaahidiintuna waxay dhankooda si dardar leh u wadaan halganka Jihaadka ah ee looga hortagayo saliibiyiintaas hororka ah, saliibiyaantaas oo sanado badan oo lala jihaaday kadib, maanta maraya marxalad quus iyo qoomamo ah kadib markii ay la kulmeen dagaal dheer oo dhiig bax ah, waxay taagan yihiin xaalad ay ciidamadoodu ku urureen xeryo iyo godad iyagoo aan sahayda aan is gaarsiin karin, oo gaarigii iyo kolonyadii dhaqaaqdaba wadooyinka lagu beegsanayo, dantuna ku kalliftay iney diyaarado isticmaalaan markii ay dhulka mari wayeen.
Alle mahadi Jihaadkii ayaa bulaalay, hawlgallada iyo weerarada Mujaahidiintu waa kuwa isdabajoog ah oo carcartooda wata” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu xusay in bulshada ku dhaqan Wilaayaadka islaamiga ah ay si nabad galyo ah ku hoos harsanayaan shareecada islaamka iyo calanka towxiidka, uuna har iyo habeen shaqeynayo garsoorka islaamiga ah oo meelo kala duwan looga imanayo, sidaa si lamid ahna ay si dardar leh ku socdaan hawlaha dacwada, tacliinta iyo guud ahaan adeegga bulshada, taasoo uu sheeagy iney tahay nimco weyn oo uu Allaah ku galladay, wuxuuna ciidamada Mujaahidiinta ugu baaqay iney halkooda kasii wadaan halganka.
Intaasi kadib, Sh/Cali Dheere ayaa si xikmad leh u cabbiray khilaafka baahsan ee haatan ka dhex jira madaxda Dowladda Federaalka ah ee Villa Soomaaliya “Maamul ku sheegyada Ridada ah ee ay gaaladu qeybo dalka kamid ah ka dhiseen ayaa dhankooda maanta maraya xaalad mar kale daaha ka rogtay xaqiiqadooda dhabta ah iyo dabadhilifnimadooda, waxay Soomaali oo dhan maanta indhaheeda ku arkeysaa, sida ay Saliibiyiintu isugu direen madaxda Murtaddiinta ee Madaxtooyada fadhisa, habdhaqankaasi wuxuu daaha ka feyday xumaanta uu leeyahay nidaamkooda ku dhisan dimuqraadiyadda iyo liidnaanta shuruuc gaaleedka ay ku dhaqmaan” ayuu yiri’ Sh/Cali Dheere isagoo sidoo kale tilmaamay dagaaladii dhawaan ka dhacay Boosaaso ee dhex maray ciidanka Puntland iyo kuwa PSF, iyo dagaaladii ka dhacay Dhuusomareeb ee dhex maray Galmudug iyo Suufiyada Qabuuriyiinta, wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ineysan ku kadsoomin maamulada noocan ah mar walbana aysan noqon ummad ay gaaladu dagto.
Kalimadda ayaa waxay dulucdeeda ka xog warrantay abaaraha ka jira qeybo kamid ah dalka iyo xaaladda Wilaayaadka islaamiga ah, waxaana uu Sheekh Cali Dheexe sheegay in hogaanka sare ee XSHM uu magacaabay guddi qaabilsan gurmadka abaaraha kana kooban 7 qeybood, wuxuu dadka muslimiinta ah ugu baaqay inye la shaqeeyaan gudiga.
Halkan ka dhageyso kalimadda cusub ee Sheekh Cali Dheere MP3