Waxaa soo ifbaxay fashilka sirdoon ee ku habsaday maamulka Yahuudda oo 15-kii bilood ee lasoo dhaafay cudwaanka ka dhanka ah reer Gaza ka waday marinka, kaddib markii uu warbaahinta kasoo muuqday qaa’id maydaani ah oo 8 bilood ka hor uu dilkiisu sheegtay maamulka Sahaayinada.
Shabakadaha warbaahineed ee Falastiiniyiinta ayaa faafiyay muuqaal kooban oo uu kasoo muuqanayo qaa’idkan lagu magacaabo Xuseen Fayyad, oo sidoo kale ku magac dheer Abuu Xamza, kaasi oo ku sugan qaybo ka mid ah jiidda Gaza, kana warbixinaya fikradaha guusha dagaalka.
Qaa’idkan waxaa muuqaalka kala soo muuqday oo hareer taagnaa xoogag ka tirsan kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin ee dagaalka xooggan la galay ciidamada Yahuudda ee gudaha usoo galay marinka 15 bilood ka hor.
Ilyaas Xana oo ah khabiir dhanka ciidanka ayaa sheegay in soo muuqashada 8 bilood kadib sheegashada Yahuudda ee dilka hogagamiye Xuseen Fayyad (فياض ) ay muujinayso heerka uu gaarsiisan yahay fashilka dhanka sirdoonka ah ee ku habsaday maamulka Sahaayinada.
23-ka bishii May 2024 ayay ahayd markii afhayeenka ciidamada maamulka Yahuudda, Daniel Hagari uu sheegay inay dileen hoggaamiye Abuu Xamza, balse waxay kooxaha wax iska caabintu siddeed bilood kaddib muujiyeen in hoggaamiye Xuseen Fayad (فياض) uu nool-yahay kana dul qudbeynayo halkii lagu baacsan jiray ciidanka Sahaayinada.
Khabiirka dhanka ciidanka, Ilyaas Xana ayaa sheegay in sheegashadan aysan ahayn tii 1-aad, balse dhowr jeer uu maamulka gumeystuhu sheegtay in uu gudaha Gaza ku dilay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxaha muqaawamada reer Falastiin, taasi oo muujinayso fashilka sirdoon ee maamulkan ku dhacay.
Ugu dambayn ciidanka maamulka Yahuudda ayaa markii ay baraha bulshada ka fiirsadeen muuqaalka hoggaamiyahan waxay ka laabteen sheegashadoodii hore, waxayna bayaankii iclaaminta dilkiisa ku sheegeen in qalad dil ah oo ka dhacay taliska ciidanka gumeystaha.