Go’aankii shaqo joojinta ee ay shalay ku dhawaaqeen maamulka shirakadaha diyaaradaha Soomaalida ayaa maanta ka dhaqan galay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, xilli dhanka kale maamulka shirkadahaasi ay iska diideen war kasoo baxay kooxda Riddada.
Guddoomiyaha dalladda ay ku mideysanyihiin maamullada shirkadaha ee ka howlgala Soomaaliya ninka lagu magacaabo Xassan Xaashi, ayaa waraysi uu maanta bixiyay ku faahfaahiyay go’aankii ay shalay qaateen iyo dhibaatada joogtada ah ee ay shirkadaha diyaaradaha kala kulmaan garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.
Xassan Xaashi ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen uu yimid culayso lacago baad ah oo is biirsaday, kaasi oo lagu soo rogay maamulka shirkadaha ee ka howlgala Muqdosho, taasina ay bixin waayeen, ugu dambaynna ay keentay in ay go’aanka shaqo joojinta ku dhawaaqaan.
Wuxuu ganafka ku dhuftay war kasoo baxay kooxda Riddada, isagoo sheegay in lacagaha baada ee lagu soo kordhiyay ay yihiin kuwa si gaara ugu dhacaya jeebka shakhsiyaad gaar ah, sidoo kalena loogu daray hanjabaad ah haddii ay shirkaduhu bixin waayaan lacagahaasi ah ay waayi doonaan ruqsadaha shaqo.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay guddoomiyaha ururka diyaaradaha Soomaaliyeed, Xassan Xaashi in maamulka shirkadaha uu wajahayo culaysyo kale, isaga oo sheegay in mararka qaar lagu qasbo inay ku duulaan amar ka yimid kooxda Riddada ah si ay ugu fushtaan danahooda gaarka ah, taasi oo keenta in rakaabkii diyaaradda sugayay ay sidaas ku xayirnaadaan.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in garoonka Muqdisho ay maanta ka duushay hal diyaarad oo kaliya, taasi oo ka degtay magaalada Baydhaba, boqollaal rakaab ah ayaa maanta ku xayirnaa magaalooyinka kale ee dalka iyo sidoo kale Nairobi oo ah caasimadda Kenya.