Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee saaka howlgallada millatari ka wada Sh/dhexe ayaa gaaray oo cagta mariyay saldhig cusub oo qayb ka ah kuwa ay maleeshiyada Riddadu kaga suganyihiin Shabeellada dhexe, waxayna mujaahidiintu goordhow weerar xasmin ah ka billaabeen deegaanka Al-kowthar.
Weeraradan oo ah kuwa saf ballaaran marka hore ka billowday saldhigyada murtadiinta ee deegaannada Ceel Cali-Axmed, Daaru-nicma iyo deegaanka Cali-fooldheere, waxayna imika gaareen deegaanka Al-kawtnar oo ay xabadda mujaahidiintu ka socoto.
Weerarka xasminta ah ee hadda ka socda Al-kowthar waxaa ka horreeyay weerar kamiin ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen inta u dhaxayso Daaru-nicma iyo deegaanka Al-kowthar, kaasi oo lagu beegsaday firxadka maleeshiyaadka murtadiinta.
Wariye Anas Al-ansaari ayaa barnaamijka tebinta tooska ah ee Al-andalus ka socda u xaqiijiyay in dagaallada dhacay ee firxadka murtadiinta lagu beegsaday lagu dilay ugu yaraan 20 askari oo laba ka mid ah ay saraakiil ciidan tahay.
Halkan ka dhagayso firxadka lagu beegsaday duleedka Al-kowthar.
Haddaba wixii soo kordha waanu soo gudbin doonnaa Insha’Allaah.