Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya dil loo gaystay haweenay Soomaali ah oo ka dhacay meel u dhow caasimadda dalka Sweden ee Stockholm, halkaas oo nin hubeysan uu ku beegsaday gabdhaasi.
Dhacdadan ayaa maalin ka hor laga soo tabiyay kayn kutaal xaafadda Märsta ee ka tirsan magaalada Stocholm, waxaana halkaas ku beegsaday nin Mindi ku hubeysan.
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan waddanka Sweden waxay soo sheegeen in gabadha la dilay lagu magacaabi jiray Nimco Bashiir Daa’uud oo ahayd 28 sano jir, halka ninka dilka gaystay na da’diisa lagu sheegay 40 sano jir.
Gabadha weerarkaas lagu beegsaday waxaa markii hore soo gaaray dhaawac culus, kaasi oo ugu dambayn la sheegay inay u geeriyootay, ehelladeeda iyo asxaabteedu waxay sheegeen inay aad uga argagaxeen dilkaasi.
Waxay intaas kusii dareen in Nimco ay ahayd kalkaaliso caafimaad, marka la beegsanayay na ay ka timid xarunta shaqada kuna jeeday gurigeeda, balse dhexda loo galay oo lagu beegsaday, halkaas na lagu dilay.
Booliska caasimadda Sweden ee Stockholm oo dhacdadaasi ka hadlay waxay sheegeen inay xireen ninka da’diisu tahay 40 jirka ee lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilka, waxayna sheegeen inay baaritaan ku hayaan falkaasi.
Dhacdada laga soo calaamadiyay magaalada Stockholm waxay qayb ka tahay dhibaatooyinka ay wajahayaan Soomaalida ku nool dalka dibaddiisa, kuwaas oo mararka qaar la kuma dilal, dhaawac iyo in hantidooda la boobo.