Howlgal qarax ah oo ciidamo ka tirsan mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha degmada Jannaale ee ka tirsan Shabeellada hoose ayaa lala beegsaday, sidoo kalena lagu dilay murtad ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Gaashaanlle Caydiid Maxammed Cabdi Guray oo ahaa Taliye ku xigeenkii Ururka 83-aad Guutada 14-ka October ee maleeshiyaadka Riddada.
Murtadkan ashahaada la dirirka ah ayaa ka mid ahaa saraakiil murtadiin ah oo ay ku daba jireen ciidamada mujaahidiinta, waxaana uu caan ku ahaan dhibaatooyinta dadka muslimiinta ah, isagoo dhibaatooyin badan ka geystay deegaanno ka tirsan Sh/hoose.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiintu weerar culus oo kamiin ah u dhigeen maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta, kuwaas oo si dhuumaaleysi ah ugu safrayay qaybo ka mid ah gobalka Gedo.
howlgalka waxay mujaahidiintu ku dileen saddex askari oo ahaa maleeshiyada kamiinka loo dhigay, kuwaas oo kasoo baxay degmada Ceel-Waaq, kuna jeeday dhanka degmada Balad-xaawo, waxaana uu weerarku ku qabsaday tuulada Yadow oo qiyaastii 28km ujirta degmada Ceelwaaq.
Maleeshiyada weerarka dhabba-galka ah lagu khaarajiyay ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusufey. Bashaar iyo Xasan Cabdi Aadan, waana mid ka mid ah howlgalada barakaysan ee lagu ugaarsanayo madaxda iyo maleeshiyaadka Riddada ee ka dhaca wilaayada Gedo.