Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay shilal maanta siyaaba kala duwan uga dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Gaari ay wateen ciidamo katirsan melleteriga dowladda Federaalka ayaa agagaarka Hoteelka Madiina ee degmada Xamar Jadiid ku jiiray Moota Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen shilka, dadka dhintay ayaa kala ahaa darawalkii Mootada iyo qof rakaaba oo ahaa kiraystaha Babaajta, wax dhaawac ah magaarin ciidamadii la socday gaari nuuca saadka qaada kana yimid dhanka madaxtooyada.
Dhinaca kale ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay kadib markii ay isku dhaceen Moota Bajaaj iyo gaari nuuca raaxada ah xilli ay ku socdaalayeen mid kamida xaafadaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.
Dilalalka ay ciidamada dowladda Federaalka ugeystaan darwallada kaxeeya Moota Bajaajta ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusii badanayay degmooyinka gobolka Banaadir, bil walba ugu yaraan 4 kiis oo ah dilalka ka dhanka ah darawallada Mootooyinka ayaa lagasoo calaamadeeyay xaafadaha magaalada Muqdisho.