Mid ka mid ah wasiirada kooxda Riddada ayaa markii ugu horraysay sheegay in dastuur gaaleedka ay ku dhaqmaan ay usoo dhistay dowladda Xabashida Itoobiya ee gummeysiga ku haysa shacabka Soomaaliyeed.
Axmed Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Xasan Gurguurte, ayaa goob fagaare ah ka sheegay in dastuurka daaquudka ah ee ay ku dhaqmaan uu yahay mid ay sameeyeen dowlado shisheeye, islamarkaana aanu aheyn mid iyaga dani ugu jirto.
Isagoo hadal ka jeedinayay madal ay fadhiyeen siyaasiyiin murtadiin ah ayuu Fiqi ka dhawaajiyay in dastuur gaaleedka Riddada ee hadda yaal xarumahooda uu sameeyay Mahiiga oo ah diblumaasi u dhashay dalka musanbiig, balse asalka dastuurka kooxda Riddada ay sameysay dowladda Xabashida Itoobiya.
Culimaa’udiinka soomaaliyeed ayaa horay uga digay xumaanta iyo gaalnimada ka buuxda dastuur gaaleedka u degsan kooxda Riddada, iyadoona mu’asasada alkataa’ib ay sannado ka hor soo saartay xalaqaad cajiib ah oo umadda soomaaliyeed loogu soo bandhigayay gaalnimada dastuurkaasi.