Wararka ka imaanaya gobollo ka tirsan ismaamulka Amhara ayaa sheegaya in jabhadda hubeysan ee mucaaradka Fano ay god’oomisay isku socodka magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan Ismaamulkaasi.
Magaalooyinka Bahardaar,bariga Goojam,iyo deegaanada dhaca Koonfur Bari Wallo ayaa kamid ah goobaha aya xisaarka saareen maleeshiyaadka qawmiyada Amxaarada.
Waxay diideen in magaalooyinka iyo deeganadaas ay kasoo baxaan wax gaadiid ah ama ay galaan iyaga oo sidookale joojisay isku socodka ee dadka.
Tan iyo Talaadadii lasoo dhaafay ayaa lasoo warinayaa in go’doonkaasi uu saaran yahay gobollo ka tirsan Ismaamulka Amxaarada , dowladda xabashida itoobiya ayaa awood u yeelan la’a in ay qaado jidgooyinka ay dhigteen kooxaha mucaaradka ka ah.
“Majiro wax gaadiid ah oo galay Dhibra Maakoos ama ubaxayay magaalooyinka kale, qof waliba aad ayuu uga baqayaa in uu dhaqaaqo” ayuu yiri mid kamid ah darawalada gaadiidka ee isaga kala goosha Ismaamulka Amxaarada.
Jabhadaha hubaysan ee ka jira Itoobiya ayaa cadaadis dhinac waliba ah saaraya nidaamka Abiey Axmad, iyaga oo dhanka kale qaadaya weeraro laayaan ah oo lagu dhiig bixinayo ciidanka xabashida.
Jahada Oromada ee OLA ayaa sidoo kale dhankeeda waxay fulinaysaa weeraro ay ku afduubanayso mas’uuliyiinta iyo saraakiisha xukuumadda Addis Ababa, weeraradaas oo ka dhacaya hareeraha magaalada caasimadda ah , taasi ayaana keentay in magaalada Addis Ababa uu go’doon ku noqdo maamulka Abiy Axmad.