Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dhanka cirka ah oo maleeshiyo ka tirsan fallagada RSF ay ku beegsadeen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq weyn oo kuyaal magaalada Umu-durmaan ee gobolka Khartuum ee Suudaan.
Weerarkan xasuuqa ah ee maleeshiyada gurmadka deg degga ah ka fuliyeen suuqa dadweyne ayaa galaaftay nolasha inka badan 54 qof oo rayid ah, halka wararka qaarna ay dhimashadu ka badinayaan 60 xubnood, waxaa sidoo kale duqayntan ku dhaawacmay 158 kale, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan bahda caafimaadka.
Khaalid Al-ceysir, oo ah wasiirka dhaqanka ahna afhayeenka xukuumadda uu fadhigeedu yahay Port Sudan, ayaa cambaareeyay weerarkaasi, isagoo sheegay in khasaaraha duqaynta ka dhashay ay ku jiraan haween iyo carruur badan iyo burbur baahsan oo uu weerarku gaystay.
Warbaahinta maxalliga ah ee Suudaan waxay sheegtay in ciidanka gurmadka deg degga ah ay si kutalagal ah madaafiic ugu garaaceen suuqa Saabriin ee kuyaal magaalada Umu-durmaan, halkaasna ku xasuuqeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Kooxda RSF ee uu Imaaraadku taageero ilaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin, kaasi oo ku aaddan weerarka ay maleeshiyadeedu ka gaysteen suuqa dadweyne, kooxdan oo caan ku ah xasuuqa ka dhanka ah dadka rayidka ah, ayaa tan iyo bishii Abriil ee 2023-kii dagaal adag kula jirtay millatariga dowladda Riddada ah ee Suudaan, waxayna fallaagadan toddobaadyadii u dambeeyay la kulmeen guul-darrooyin isu raac-raacay.