Wararka ka imaanaya magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden ayaa sheegaya in ugu yaraan afar ruux ay dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii nin kaxeynayey gaari xamuul ah uu dad badan ku jiiray bartamaha magaalada, Iyadoona lagu soo waramayo in howlgalo iyo olole raaf ah oo ay sameeyeen ciidamada Police-ka lagu soo qabtay ugu yaraan 2 ruux oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen falkaasi.
Saraakiisha Police-ka iyo xeer ilaaliyeyaasha wadanka Sweden ayaa falkan ku tilmaamay waxa ay ugu yeeraan weerar “Argigixisanimo†Iyagoona sheegay in weerarka uu ahaa mid qorsheysan oo in muddo ah la soo abaabulayey marka loo eego qaabka loo fuliyey iyo meesha uu ka dhacay. Laamaha Amaanka ee Xukuumada Sweden ayaa shaaciyey in weerarka loo adeegsaday gaari Xamuul ah oo la soo xaday, Islamarkaana qofka kaxeynayey gaariga uu beegsaday meel laga tukaameysto oo aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Stockholm ee caasimada wadanka.
Kumanaan ka mid ah ciidamada amaanka ayaa lagu soo daadiyey wadooyinka iyo xaafadaha magaalada si loo dabagalo dadka lala xiriirinayo weerarkan, Waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey ugu yaraan laba qof oo ciidamada Police-ku ay soo xireen kuwaas oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen weerarka.
Mid ka mid ah labada qof ee la qabtay ayaa la sheegay in uu ahaa qof in muddo ah la tuhunsanaa oo il gaar ah ay ku heysay dowlada Sweden balse ilaa hadda lama cadeymo muujinaya in uu ku lug lahaa weerarkan. Labadan qofba waxaa lagu soo qabtay howlgalo ay habeenkii xaley ahaa fuliyeen ciidamada Police-ka.
Afhayeen u hadlay Police-ka magaalada Stockholm ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhinteen weerarkan, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 15 ruux oo kale oo qaarkood xaaladooda laga deyrinayo.
Ra’isul Wazaaraha wadanka Sweden Stefan Lofven oo ka hadlay arintan ayaa weerarka ku tilmaamay mid “Argigixisanimo†Wuxuuna sheegay in baaritaanada la sameeyey ay tilmaamayaa in weerarka uu ahaa weerarka “Argigixisanimo†oo la soo qorsheeyey.
“Dhamaan Baaritaanada la sameeyey waxay tilmaamayaa in weerarku ahaa mid argigixisanimo, Waxaan walaaceyga la qeybsanayaa dadka dhintay, kuwa dhaawacmay iyo qoysaskooda, Waxaana dadka ugu baaqayaa in ay feejignaan dheeri muujiyaan, Police-kuna ku soo wargeliyaan wax waliba oo ay arkaan†ayuu yiri xilli uu ka hadlay weerarka.
Wadamada Qaarada Yurub waxaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ku soo kordhayey weerarada kaligii-duulnimo ee isugu jira toogashada, gowraca iyo gaari-jiirsiinta, kuwaas oo inta badan ay fuliyaan dhalinyaro Muslimiin ah oo ka jawaabaya dhibaatooyinka iyo gumaadka ay gaaladu ka wadaan dhulalka Muslimiinta.