Qarax culus ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Afrikaanta oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa haleeshay gaari Taw ah oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen kolanyada shisheeyaha ee qaraxa lala beegsaday.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha biyaha oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxan lagu burburiyay gaari Taw ah oo miinada ay haleeshay sidoo kale qaraxa waxaa baqti iyo dhaawac ku noqday askartii la socotay gaariga Taw-ga ee miinada ay burburisay.
Calamada.com