Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo maanta ka dhacay deegaano dhowr ah oo hoos yimaad degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha dhexe.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamo Mareykan iyo AMISOM ah oo ay wehliyaan maleeshiyaad katirsan Dowladda Federaalka ay duullaan ku qaadeen tuulooyin dhanka Bariga iyo dhanka waqooyi uga beegan degmada Mahadaay.
Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Huwanta ah ay maanta barqadii gaareen deegaanka Cali Fooldheere oo dhanka Waqooyi uga beegan Mahadaay balse waxay iska caabin adag kala kulmeen ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay in dagaalka dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen askar ka tirsan ciidamada Huwanta ee duulaanka kusoo qaaday deegaankaasi,iyadoona ugu dambeyntii ciidamada gaalada iyo Murtadiinta lagu jabiyay dagaalkaasi.
Ugu dambeyntii ciidamada huwan ah oo watay 20 gaadiidka gaashaaan ah ayaa dib uga laabtay degmada Mahadaay, wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada AMISOM iyo kuwa Mareykanka ee dhaq dhaqaaqyada ka sameeyay Sh/dhexe ay dhanka cirka ka taageerayeen diyaarado casri ah, inkastoo aysan diyaaraduhu wax duqeymo ah geysan hadane waxaa la arkayay iyagoo dul heehaabaya hawada deegaanadii lagu dagaallamay.