Warar dheeraad ah waxaa laga helayaa tiro madaafiic ah oo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ku garaaceen saldhiga askarta Burundi kaga suganyihiin deegaanka Biya cadde ee wilaayada shabeelada dhexe.
Madaafiicda waxey ku dhaceen gudaha saldhiga waxaana jirta khasaara kala duwan oo kufaarta burundi lagu gaarsiiyay duqeyntaas.
Lix askari oo burundeys ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmeen duqeynta kuwaasi oo wararka la helayo ay sheegayaan iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Dhanka kale waxaa sii kordhaya khasaara dowladda Saliibiyadda Kenya lagu gaarsiiyay weerar qorshyesan oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen meel 5Km ujirta magaalada Mandheera.
Weerarkan waxey sigaar ah ciidamada Mujaahidiintu ula beegsadeen ciidamo Kenyaan ah oo ilaalinayay shirkad qaabilsan falidda waddooyinka iyo waraha.
Dhimashadu waa Labo askari oo ah kuwa keydka ee dowladda saliibiyadda kenya dhaawucuna waa afar askari uu ku jira taliyaha saldhiga degmada ceelwaaq kenya, Waxeyna Mujaahidiintu weerarkan ku gubeen labo gaari oo kala ah Baldoosar iyo Wiish.