Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaan katirsan dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga ku jira.
Wararka ka imaanaya gobolka Mandheera ayaa sheegaya in xoogag hubaysan ay weerar ka geysteen deegaanka Banisa ee dhaca waqooyiga Mandheera.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qof Kenyaan Kirishtaan ah lagu dilay weerarkan oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
Weerarkan waxa uu kusoo aadayaa xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah saliibiyiinta kenya ee ay ka fulinayaan gobalada Laamuu iyo mandheere.