Faahfaahinno dheeraad ah waxaa laga helayaa qarax iyo dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka dowladda Ridada lagula eegtay deegaanka Cowmaad ee wilaayada Hiiraan.
Sida laga soo xigtay Idaacadda islaamiga Al-andalus Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaallada ka dhacay Cowmaad waa 9 askari oo ay ku jiraan saraakiil sare iyo dhaawaca 6 kale kuwaas oo iyagoo garaab ah loola cararay cisbitaallada degmada Guriceel ee wilaayada Galgaduud.
Saraakiisha iyo askarta magacyadooda la helay waxaa ka mid ah 1 Guray Xasan Cilmi oo ahaa Taliye horin waa dhintay, 2 Cabdi Riike oo ahaa Sargaal ka tirsan Nabad sugida waa dhintay, 3 Cumar dhurwaa waa Sargaal isna waa la dilay, 4 Macaane waxaa uu ahaa Askari halkaas ayuu ku baxay, 5 Xaayoow waa Askari isagana waa la dilay, 6 C/Casiis Daba-suun waa Askari isagana dagaallad ayuu ku dhintay.
Halkan Ka Dhagayso Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaallada Hiiraan.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com