Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka degmada Balcad ee dhacda wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu soo gaarsiiyay murtadiinta.
Dagaallada oo ahaa kuwa culus oo la isku noqnoqday ayaaa in ka badan 9 jeer lagu jebiyay maleyshiyaadka Riddada, waxaana Allaah fadligiis dagaalladaasi lagu dilay 14 askari oo murtadiin ah, halka lagu dhaawacay 21 kale.
Dhanka kale, ciidamada mujaahidiintu ee ka howlgala wilaayada Banaadir waxay saacadihii lasoo dhaafay howlgal culus oo qarax ah la beegsadeen fariisin maleeshiyaadka murtadiinta ku leeyihiin isgoyska Saybiyaano ee degmada Hodan, halkaas oo Riddada looga dhaawacay ugu yaraan saddex askari.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu isla Banaadir ka fuliyeen howlgal kale oo qarax ah, kaasi oo lala eegtay fariisinka maleeshiyaadka murtadiinta ee isgoyska Xoosh ee degmada Dharkinley, waxaa qaraxaas inta la xaqiijiyay lagu dhaawacay laba askari oo murtadiin ah.
Sidoo kale ciidamada mujaahidiintu waxay weerareen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay afaafka hore ee degmada Qoryooley, waxaana Allaah fadligiis howlgalkaas barakaysan lagu dilay laba askari oo murtadiin ah.