Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaallo aad u xooggan oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Ceel Cali Axmed ee ka tirsan wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo jab xooggan loogu gaystay murtadiinta.
Dagaallada oo tiro dhowr jeer ah lagu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta ayay wararkii ugu dambeeyay xaqiijiyeen in khasaaraha dhimasho ee murtadiinta uu sii cagacageynayo 18 askari, dhaawaca maleeshiyaadka murtadiinta ayaa gaaray 36 kale, waxayna sidaas wadarta guud ee dhimashada iyo dhaawaca Riddada ku noqotay 54 murtad.
Sidoo kale inta howlgalladu socdeen waxay ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis maanta gacanta ku dhigeen hal askari oo murtad ah, kaasi oo hadda isaga oo maxbuus ah ku jira gacanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, waxay sidoo kale mujaahidiintu soo qaniimeysteen 7 qori AK47 ah iyo hal qori oo PKM ah.