Dowladda Eritrea ee uu hoggaamiyo Isaias Afwerki, ayaa muwaadiniinteeda ku amartay inay diyaar garoobaan, waxaana dadka ammarkaasi la siiyay ka mid ah ciidamada kaydka, saraakiisha iyo askarta howlgabka ah, sidoo kale waxaa amaro la dul-dhigay ragga iyo haweenka dalkaasi u dhashay.
Warbaahinta Ingiriiska laanteeda Eritrea ayaa waraysi ay la yeelatay dadka u dhashay waddankaasi waxay u sheegeen in amarka uu si rasmi ah u bixiyay maamulka dowladda, waxaana amarkaasi la marsiiyay dowladaha hoose, kuwaas oo dadka fariinta ku socoto awaamiir dul-dhigay.
Ciidamada Kaydka ah ayaa lagu amray inay taliska ciidanka iska xaadiriyaan, sidoo kale saraakiisha iyo askarta howlgabka noqday ayaa iyagana amar lagu siiyay inay kusoo laabtaan xeryaha ciidanka, si tabobar loo siiyo oo ay diyaar garow dagaal u galaan.
Amarka kasoo baxay xukuumadda uu fadhigeedu yahay Asmara ayaa dadka da’doodu ka yar tahay 60 sano ee ka tirsanaa ciidamada faray inay tabobaro qaataan, halka dadka da’doodu ka yar tahay 50 sanona lagu amray inaysan dalkaasi ka bixi karin oggolaansho la’aan.
Dadka ku dhaqan magaalada Asmara ayaa warbaahinta u sheegay in amarka kasoo baxay dowladda uu hogaamiyo kaligii taliye Isaias Afwerki aan si rasmi loo shaacin, balse ay ku baraarugeen markii ay tageen deegaannadii ay dalka uga bixi lahaayeen sidoo kalena tageen goobaha laga heli jiray adeegyada dowladda.
Haweeney Eritrean ah oo ku dhaqan qaaradda Yurub oo magaceeda u qarisay sababo ammaan, ayaa warbaahinta Ingiriiska u sheegtay in waalidiinteeda ay ka codsadeen fiisaha bixitaanka si ay ugu safraan wadanka ay ku nooshahay, waxayse sheegtay in aabbaheed oo hore uga tirsanaa ciidamada Eritrea loo diiday fiisaha haseyeeshee hooyadeed ogolanshiyo la siiyay.
Amarka ayaanan ku ekayn ragga oo kaliya, balse haweenka ayaa lagu amray inay ciidamada ku biiraan, tabobaro ciidanna qaataan, arrintaasi ayay dadku sheegayaan inay cabsi ku beertay haweenka, ciidanka kaydka ee ragga iyo dumarka ee dalka ka baxsaday ayay sidoo kale dowladdaasi ku amray inay dib usoo laabtaan.
Sidoo kale ilo wareedyo ayaa sheegay in dowladda Eritrea ay xabsiyada ka sii deysay ciidamo u xirnaa dambiyo kala duwan, kuwaas oo dib loogu celinayo talisyadooda oo looga yeeray, waxaana kuwa xabsiyada laga sii daayay aan ku jirin ciidanka dambiyada culus u xiran sida lasoo warinayo.
Amarkan u muuqda diyaar garowga dagaal ee looga dhawaaqay Eritrea, ayaa kusoo beegmaya xilli maqaal uu qoray madaxweynihii hore ee dalka Itoobiya uu Asmara ugu eedeeyay inay colaad ka hurinayso waqooyiga Itoobiya, wasiirka warfaafinta Eritrea oo hadlay ayaa beeniyay eeddaasi , Addis-ababana ku eedeeyay hurin colaad.