Ugu yaraan 8 qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen kadib duqeymo ka dhacay Dalka itoobiya.
Duqeymahan oo la sheegay in ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa ka dhacday magaalada Elidar ee Gobolka Cafarta. Sida ay dad goobjoog ah u xaqiijiyeen warbaahinta dalkaas.
Sida dad Goob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen warbaahinta dalkaas dadka la beegsaday ayaa ahaa dad beeraleey ah iyadoo dadka dhintayna ay ku jireen Haween iyo carruur.
Warbixino lagu daabacay baraha bulshada ayaa weerarka la xiriirisay dowladda Jabuuti oo ay warbaahintu sheegtay in ay saraakiil jabuutiyan ah ay sheegeen in ay dowlada jabuuti weerartay kooxo halis ku ah amniga dalkaas.
Dowlada Xabashida itoobiya iyo Dowlad degaanka Cafartuba wali kama aysan hadlin duqeeymahan.
Sidoo kale dowladda Jabuuti oo latuhunsanyahay in ay mas’uul ka tahay duqeymaha ka dhacay ismaamulka Cafarta wax war ah sooma saarin, dalka Itoobiya oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye ayaa hadda umuuqda mid amnigiisu uu faraha kasii baxayo.