Waxaa maanta si rasmi ah Jiidda Gaza uga hirgalay heshiiska xabad-joojinta iyo maxaabiis isdhaafsiga ee ay kala saxiixdeen kooxaha muqaawamada reer Falastiin iyo maamulka gumeystaha Yahuudda.
Inkastoo saacadihii hore ee saaka xilligii uu heshiisku dhaqan-galay kaddib ay Yahuuddu marinka ka gaysteen duqaymo ka dhan ah dadka abriyada ah oo ay ku shahiideen 14 qof, kuna dhaawacmeen 25 kale, haddana waxaa si rasmi ah maanta Gaza looga dareemay dhaqan-galka heshiiskaasi.
Taliska ciidamada kooxaha wax iska caabinta ayaa maanta soo bandhigay liis magacyo ah oo ka kooban ilaa sadex maxaabiis Sahaayino ah oo lagu qabtay howlgalkii Duufaanta Al-aqsaa, kuwaas oo la wareejiyay gelinkii dambe ee maanta.
Wareejinta maxaabistan sahaayinada ee ka koobnaa saddexda haweenka ah oo ka dhacday fagaaraha Al-saraayaa ee Jiidda Gaza waxaa goob joog ahaa dagaalyahanno ka tirsan kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin.
Maamulka gumeystaha Yahuudda ayaa dhankiisa shaaciyay inay maanta sii dayn doonaan 90 qof oo maxaabiis Falastiiniyiin ah, kuwaas oo lagu badalan doono saddexda xubnood ee sahaayinada loo sii daayay.
Reer Gaza waxay maanta u ahayd maalin farxadeed, waxaa is arkay ehello is la’aa muddo 15 bilood ah, kuwaas oo ay kala geeyeen duqaymaha bahalnimo ee maamulka Sahaayinada Yahuuda iyo gantaallada ay sida naxariis darrada ah ugu garaacayeen goobaha rayidka.
Waxay cameraduhu soo qabanayeen ehelladii duqaymuhu kala geeyeen oo is mucaanaqaynaya waliba iyaga oo ku sugan goobihii sida daran ay Yahuuddu u burburisay ee Jabaaliya, waxay Falastiiniyiintu indha indheynayeen guryihii kaga burburay duqaymaha gumeystaha.
Dagaalyahannada Kooxaha wax iska caabinta ayaa mar qura maanta kasoo muuqday camerada iyaga oo ku sugan Gaza kuna hubeysan hubka dagaalka, sidoo kalena ku socda kolonyo gaadiid ah, waxay ciidankan isugu jireen kuwa booliska iyo sidoo kale Millatariga oo 15-kii bilood ee lasoo dhaafay Gaza ku baacsanayay ciidanka sahaayinada ee gudaha usoo galay.
Waxay muuqaalladani Yahuuddu uga dhignaayeen farriimo kale oo argagax leh, maadaama maamulkan uu ku goodinayay 14-kii bilood ee lasoo dhaafay in uu soo afjarayo kooxaha muqaawamada, wallow wasiirka arimaha dibadda Maraykanka qudhiisa uu sheegay in dadka reer Gaza aan looga adkaan karin awood ciidan.
Muuqaallada kooxaha wax iska caabinta waxay si wayn u gilgileen maamulka iyo shacabka Yahuudda, kuwaas oo ku tilmaamayay guul darro wayn in mudo 15 bilood oo dagaal ah kaddib la arko xoogaga kooxaha wax iska caabinta oo kolonyo kolonyo ku dhex socda Gaza iyaga oo gaadiid ku socda.
Dhanka kale, gaadiid boqollaal ah ayaa maanta gudaha u galay jiidda Gaza, kuwaas oo sida gurmadka noocyadiisa kala duwan, si gaar ah bur qamandi ah iyo baakado ay ku jiraan cunto diyaarsan.