Dowladda Kenya ayaa faah faahin ka bixisay weerar qarax ah oo markale ka dhacay deegaan katirsan gobolka Lamu ee dhaca xeebta dalka Kenya.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska booliska Kenya ayaa lagu sheegay in gaari dagaal uu gubtay kadib markii qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Milihoi ee duleedka degmada Hindi.
Weerarkan waxaa ku dhintay 4 katirsan saraakiisha ciidamada Booliska ee loo yaqaan GSU, sida ay daabacday warbaahinta maxalliga Kenya ciidamada weerarka lakulmay ayaa ka yimid magaalada Mpeketoni waxayna kusii jeedeen deegaanka Gamba ee gobolka Lamu.
Wararka qaar waxay sheegayaan in xoogaga weerarka geystay ay rasaas huwiyeen saraakiisha lalaayay balse war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in saraakiishu ay ku dhinteen qarax lala eegtay.
Isbuucii lasoo dhaafay ayay weeraro tobanaan ruux lagu dilay ka dhaceen deegaanno katirsan gobolka Lamu waxaana muuqata in xoogaga jihaadiga ah ay sare usii qaadeen galaangalka amni ee ay ku leeyihiin gudaha Kenya.