Wararka ka imaanata waqooyiga waddanka Maali ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka dowladda dabadhilifka ah ee Turkiga ay xasuuq ba’an u geysteen dad shacab ah.
Tobanaan qof shacab ah ayaa geeriyooday tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii xukuumadda Riddada Maali oo adeegsanaysa diyaarada Turkiga ay duqeymo aan kala sooc laheyn ka geysatay magaalada Zintawateyn oo ka tirsan gobolka Kedaal.
Goob-joogeyaal ayaa soo sheegay in duqeymuhu beegsadeen guryo shacab, suuqyo ganacsi iyo gaadiid ay la socdeen dad shacab ah.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiic iyo uuro madoow oo cirka isku shareeray kaddib markii ay diyaaradda Turkiga ee loo yaqaan Beyrakhtaar ay si bahalnimo leh u beegsadeen magaalada Zintaweeyn.
Dowladda Riddada ee Maali oo ka caraysan xasuuqii horraantii isbuucan loo geystay maleeshiyada saliibiyiinta Ruushka ee Faagnar ayaa caradadeeda kala duldhacay dadka shacabka masaakiinta ah.
Diyaarado ay dowladda dabadhilifka Turkiga ka iibisay xukuumadaha ah ee Mali iyo Burkina Faaso ayaa xasuuq ku haya dadka shacabka ah.