Wararka ka imaanaya dalka Suuriya waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qeybo ka mid ah dalkaasi ay kusoo dhacday mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka dowlada Nasaarada Mareykanka.
Diyaaradan oo xilligii ay soo dhaceysay la socdeen askar American ah ayaa ah noocyada diyaaradaha Elecobtarka ee loo yaqaano MV-22 Osprey.
Wararka laga helayo gudaha dalka Suuriya waxey sheegayaan in diyaaraddaasi burburtay ku dhaawacmeen Labo askari American ah oo qeyb ka ah askartii la socotay diyaaradaasi burburtay.
War rasmi ah oo kasoo baxay Bantigoonka Mareykanka ayey ku qireen burburka diyaaradaasi iyo dhaawaca labo askari oo American ah.
Burburka diyaaradan ayaa kusoo aadeysa xilli diyaaradaha Nasaarada Mareykanka,Ruushka iyo kuwa Nuseyriyiinta Bishaar Asad duqeyn xoogan ay ku hayaan dadka Muslimiinta ee ku dhaqan dhulkaasi.
Calamada.com
Jecliyaa jabka kufaarta