Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan ku dileen mid ka mid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaanada dowlada Ridada federaalka.
Dilkan waxaa loo geystay haweeney lagu magacaabi jiray Xaliimo Cilmi oo ka mid aheed argooyinkii soo xulay xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Cadaado ee gobalka Mudug.
Dhanka kale rag ku hubeysan Biskoolada waxey qeybo ka mid ah isla degmada Hodan ku dileen askar ka tirsanaay maleeshiyaatka nabadsugidda gaar ahaan qeybta dhar cadka.
Ninkan la dilay waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Fumow’iyadoona ragga dilka geystay ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyoodo.
Askarta Ashahaado la dirirka ee dowlada federaalka ayaa caan ah dhibaateynta dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.