Xaalad fowdo iyo khalalaase ah ayaa laga soo sheegayaa wadanka Koongada Dimuqraadiga ah ee dhaca bartamaha Africa, halkaas oo dhowaan fallaagada M23 ee ay taageerto Rwanda ay la wareegtay gacan ku haynta Gooma oo ah magaalada ugu wayn ee bariga dalkaasi.
Dibadbaxayaal aad u careysan oo kasoo horjeeda horumarka dagaal ee ay sameeyeen fallaagada Rwanda taageerto, ayaa weerar ku qaaday dhismeyaal safaarad oo kuyaal meel aan ka fogayn caasimadda Congo ee Kinshasa.
Wakaaladda wararka ee Ap, ayaa soo sheegtay in dibadbaxayaasha careysan ay weerareen dhismeyaasha safaaradaha Faransiiska, Rwanda iyo sidoo kale tan Bilijimka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay taageereen maleeshiyaadka fallaagada ah ee qabsaday magaalada ugu wayn bariga Koongo.
Sawiro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiic iyo uura madow oo ka baxaya aaggaga ay weerareen kooxaha dibadbaxayaasha, waxay tani u muuqataa xaalad jihawareer ah oo ay gashay caasimadda dalka Koongo ee Kinshasa.
Ilo wareedyo kale ayaa soo sheegay in dibadbaxayaashu weerareen xarumo ganacsi oo kuyaal magaalada caasimadda ah, dhanka kale ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa isku dayay inay is hortaag ku sameeyeen dadweynaha careysan ee weeraray xarumaha safaaradaha ee ka yara fog casimadda.
Ap waxay sheegtay in xaalad adag ay ka jirto magaalada Gooma ee gacanta u gashay fallaagada ay taageerto Rwanda, malaayiin qof ayaa ka barakacay magaalada, waxaa lasoo wariyay tacaddiyo kala duwan oo ka dhan ah dadka rayidka ah, sida ay sheegeen hayadaha urur gaaleedka qaramada midoobay.
Arrimahan ayaa yimid kadib markii fallaagada M23 ay shalay oo Isniin ahayd gudaha u galeen magaalada Goma ee ugu wayn bariga dalka Congo, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamada xukuumadda Kinshaasa, dowladda Koongada Dimuqraadiga ah ayaa Rwanda ku eedeysay inay taageerayso fallaagada kala wareegtay Gooma, halka ay eedayntaasi iska fogeysay Rwanda.