Waxa isa soo taraya warar kala duwan oo laga helayo furimaha dagaalka ee gudaha Itoobiya, todobaad ka hor waxa loo dhag taagayay in Tigreegu ay soo galaan gudaha Adisababa, dad badan ayaana isaga qaxay magaalada.
Hase yeeshee Todobaadkan waxa dib usoo labo kacleeyay oo magaalooyin dib u qabsaday garabka Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abay Axmed, waxayna dib ugala wareegeen Tigreega magaalooyin muhiim ah oo ku kala yaalla gobolada Canfarta Axmaarada.
Wararka maanta soo baxaya ayaa sheegaya in magaalada Shawarobit oo ah magaalo istiraatiiji ah laga qabsaday Tigreega, magaaladan oo dhacda dhanka gobolka Axmaarada isla markaana shalay meel magaalada u dhow uu kasoo hadlayay Abay Axmed oo uu lahaa waan qabsanaynaa ayaa waxa rumowday qabsashadaasi.
Qabsashada magaaladan iyo magaalooyin kale oo ay ka mid tahay Lalebela ayaa ka dhigan in dhabarka laga toogtay ciidankii Tigreega ee kusii jeeday dhanka Adisababa, mana cadda sida ay ugu suuro gali doonto in ay hore ugu socdaan mar haddii gadaashooda lasoo socdo.
Si kasta ha ahaatee dagaalada Itoobiya ayaa u muuqda kuwo sii daba dheeraanaya, maadaama uusan jirin garab muquunin kara garabka kale oo kolba mid lala kacayo, waxana marba marka ka dambaysa sii kala fogaanaya qoomiyadaha dalkaasi oo helay hub aad u badan.