Waxaa muddo hal toddobaad ah hakad ku jira ganacsiga kala duwan ee dekadda magaalada Berbera ee uu ka arrimiyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in maamulka ashahaada la dirirka ah ee fadhigiisu yahay Hargaysa uu ganacsatada kusoo rogay lacago cusub oo aan horay looga qaadi jirin.
Ganacsatada ayaa ka biya diiday inay bixiyaan lacagaha dheeraadka ah ee xad dhaafka ah, waxayna taa keentay in shaqadii ka socotay dekadda Berbera ay muddo hal toddobaad ah joogsato.
Ganacsatada alaabta kala duwan kala soo degta dekadda Berbera waxay warbaahinta u sheegeen in maamulka dekaddaasi uu kusoo kordhiyay lacago dheeraad ah oo lagu magacaabo Fee Scan, waxay intaas ku dareen in maalin kasta lacago dheeraad ah lagu kordhiyo alaabta ay kala soo degaan dekadda, balse markan ay ka biya diideen.
Alaabta kala duwan ee muddada toddobaadka ah ku xiyran dekadda magaalada Berbera ee waqooyiga Somalia, ayaa la aaminsan yahay inay keeni doonto sicir barar saameeya dadka, sidoo kalena ay gacansatadu alaabtooda kala soo degaan meelo kale.