Idaacadda Islaamiga Al-andalus waxey idiin soo gudbineysaa silsilado wareysiya ah oo ay la yeelatay maxaabiistii ay Mujaahidiintu kusoo furteen howlgalkii ka dhacay xabsiga ugu weyn ee magaalada Boosaaso 21-kii bisha Rajab sanadka 1442-Hijri.
Isxaaq Aadam Ibraahim Cabdi raxmaan oo ku magac dheer Food cadde waa qof shacab ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda degmada Bardaale ee gobalka Baay waxa uu ka mid ahaa afar boqol maxaabiis ah oo Mujaahidiintu ay si xoog ah uga sii daayeen xabsiga ugu weyn magaalada Boosaaso kadib 21-kii bisha Rajab-1442-Hijri habeen jimco ah weerar barakeyan oo ay ku qaadeen xabsigaas.
Isxaaq Aadam isagoo doonaya inuu tahriiba sanadkii 1438 hijri kuna began 2017-dii ayey maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka Puntland ka qabteen gudaha magaalada Boosaaso waxa ay ku qasbeen inuu sheegto waxa uusan aheen si ay uga qafiifiyaan tacdiibin arxan daro ah oo ay har iyo habeen kula dhaqaaqayeen.
Ugu dambeyntii Isxaaq lugta ayuu ka jabay sidii har iyo habeen loo tacdiibinayay weyna diideen saraakiisha ashahaado la dirirka puntland in la kabo.
Halkan Ka Dhageyso Xalqada 3-aad Wareysiyada Maxaabiistii Boosaaso.
Calamada.com