Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab waxey si buuxda ula wareegeen degmada istiraatiijiga ah ee matabaan oo ka tirsan wilaayada hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya.
Ciidanka Mujaahidiintu dagaal la’aan ayey la wareegeen magaalada, Iyadoona maleeshiyaatkii murtadiinta ee horay ugu sugnaa matabaan ay cagaha wax ka dayeen kadib markii mujaahidiintu gudaha soo galeen magaalada.
Saacada ka hor ayey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la wareegeen deegaanada Beer-gadiid iyo Bacda oo wada hoostaga degmada Matabaan.
Sawirka kor idiin kaga muuqada waa ciidamada Mujaahidiinta oo ku dhex lugeynaya bartamaha magaalada matabaan.
Halkan Hoose Ka Dhageyso Xogta La Wareegidda Matabaan.